Waxaad baran
- waxyaabo ku saabsan qalabyada dabiiciga ah iyo qurxinta dhulka
- waxyaabo ku saabsan kalluumaysiga iyo nolosha
- waxyaabo ku saabsan daryeelka xayawaanka iyo samafalka xayawaanka
- waxyaabo ku saabsan dhirta boroseeska dabiiciga ah
- waxyaabo ku saabsan wax soosaarka bayoolajiga
Waa in aad ahaataa qof
- hibo u leh gacan ka shaqaynta
- danaynaya shaqada bannaanka ahk
- naxariis u leh dadka, xayawaanka iyo bay´ada/
Waxaad ka shaqayn kartaa
- ubaxa ama beeraha
- goobaha dhirta ubaxa leh laga beero ama waxaad masuul ka noqon kartaa shaqada dhisme isboorti(isbartiimo)
- isticmaalka iyo daryeelka kaynta
- fardaha
- dhaqashada iyo maamulka ugaadha la yiraa
- kalluumaysiga iyo xannaanaynta/naaxinta xayawaan badeedka
Eeg dhamaan xirfadaha iyo aqoon-cilmiyeedyada
Waxaad ku guulaysan
- caddeynta ogolaanshaha jaamicadda iyo inaad qaadan karto tacliinta sare haddii aad dooratowaxbarasho isudiyaarin fasalka 3aad(Vg3) isticmaalka deegaanka
Goobaha shaqada
- goobaha cusub iyo dayactirka goobaha-shaqo ee dawladda iyo kuwa gaarka loo eeyahay
- beeraha ama kayn ka shaqaynta
- ubax ka shaqaynta ama beeraha yaryar ee guryaha ku dhexyaal
- kalluunka/kalluumaysiga ama kulluun beerista
- dhaqashada ugaadha la yiraa
Waxbarasho badan
Waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxay ku hagtaa awood u yeelashada xirfadle (leh ama aan lahayn shahaadada ganacsiga ama socdaalka). Kadib dhammaysashada waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad billaabikartaa shaqo ama inaad qaadato waxbarasho kale:
- Waad qaadan karto waxbarasho saa’id ah oo ah koleej xirfaddeed. waxbarashada xirfadda waxay dhistaa xirfaddaha ka sarreeya waxbarashada dugsiga sare waxayna bixisaa waxbarasho xirfadeed saa’id ah oo toos loogu isticmaalo in nolosha loogu shaqeeyo.
- Waxaad qaadan kartaa Vg3 caddeynta ogolaanshaha jaamicadda guud ee barnaamijka saa’idka ah
– kaddib Vg2 ama
– kaddib marka aad ku guulaysto awood yeelayashada xirfadle.
Waxaad fursad u heli inaad qaadato tacliinta sare kuna qaadato kulliyad jaamicadeed ama jaamicad.xusuusnow in barnaamijyada waxbarasho qaarkood, sida injineeriyaddam sayniska iyo barashada caafimaadka, kaaga baahan yihiin inaad haysato maadooyin saynis ah. - Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha tacliinta sare kaddib koorsda saa’idka ah ama wadiiqadda Y, wadiiqadda xirfadda ee tacliinta sare. Wadiiqadda Y waxaa loogu talo galay leh khibrad waayo aragnimo xirfadeed. Koorsooyinka aasaaska iyo wadiiqadda Y waa kuwa ugu badan ee lagu isticmaalo waxbarashada sayniska iyo injineerriyada.