Elektarikada (korantada)

Waxaad baran

  • iskudubaridka iyo dayactirka korontada iyo hababka korontada
  • dayactirka qalabka korontada
  • waxyaabo ku saabsan wax soosaarka tamarta iyo qaybinta tamarta
  • waxyaabo ku saabsan horumarinta wax soosaar koronto cusub
  • badbaadinta iyo dukuminti samaynta

Waa in aad ahaataa qof

  • hawl kar ah
  • hibo u leh farsamada kuna fiican gacan ka shaqaynta
  • u maskax furan adeegidda leh maskax macquul ah
  • hal abuur leh iyo ahmiyad kaladh fiican leh

Waxaad noqon kartaa

  • koranto-yaqaan, koranto ka shaqeeye ama tamar ka shaqeeye
  • qof ka shaqeeya shaashadaha warbixinaha/informayshanka-, signaalada ama wiishyada
  • qof ka shaqeeya qalabka elektaroonikada ah ee diyaaradaha laga hago ama makaanig diyaaradeed
  • qof ka shaqeeya dayax-gacmeedyada, kombiyuutarrada- ama qalabka elektaroonikada ee warshadaha waxsoosaarka
  • qof ka shaqeeya qalabka awtomaatikada u shaqeeya ama qalabka badda hoosteeda lagaga shaqeeyo bannaankana laga hago
    Eeg dhamaan xirfadaha iyo aqoon-cilmiyeedyada

Goobaha shaqada

  • shirkadaha dawladda ama kuwa gaarka loo leeyahay
  • warshadaha habka isku-xiriirsan wax u soosaara ama kuwa elektroonikada
  • warshadaha makaanignimada, kuwa korontada dhaliya ama shaqada tareenada iyo jidadka ay maraan
  • kombiyuutarada-, diyaaradaha- ama soosaarka shiidaalka

Waxbarasho badan

Waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxay ku hagtaa awood u yeelashada xirfadle (leh ama aan lahayn shahaadada ganacsiga ama socdaalka). Kadib dhammaysashada waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad billaabikartaa shaqo ama inaad qaadato waxbarasho kale:

  • Waad qaadan karto waxbarasho saa’id ah oo ah koleej xirfaddeed. waxbarashada xirfadda waxay dhistaa xirfaddaha ka sarreeya waxbarashada dugsiga sare waxayna bixisaa waxbarasho xirfadeed saa’id ah oo toos loogu isticmaalo in nolosha loogu shaqeeyo.
  • Waxaad qaadan kartaa Vg3 caddeynta ogolaanshaha jaamicadda guud ee barnaamijka saa’idka ah
    – kaddib Vg2 ama
    – kaddib marka aad ku guulaysto awood yeelayashada xirfadle.
    Waxaad fursad u heli inaad qaadato tacliinta sare kuna qaadato kulliyad jaamicadeed ama jaamicad.xusuusnow in barnaamijyada waxbarasho qaarkood, sida injineeriyaddam sayniska iyo barashada caafimaadka, kaaga baahan yihiin inaad haysato maadooyin saynis ah.
  • Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha tacliinta sare kaddib koorsda saa’idka ah ama wadiiqadda Y, wadiiqadda xirfadda ee tacliinta sare. Wadiiqadda Y waxaa loogu talo galay leh khibrad waayo aragnimo xirfadeed. Koorsooyinka aasaaska iyo wadiiqadda Y waa kuwa ugu badan ee lagu isticmaalo waxbarashada sayniska iyo injineerriyada.