Waxaad baratay
- soo saarista iyo dayactirka dhismooyinka cusub iyo goobaha
- dib u cusbooneysiinta iyo ilaalinta dhismooyinka goobaha
- waxyaabaha ku saabsan cimilada iyo teknoolajiyada
- isticmaalka sawirada, qeexitaada iyo xisaabinta
- tayada iyo ammaanka
- waxyaabaha ku saabsan qalabyada
Waad inaad
- xirfad ahaan ku fiican tahay inaad ku shaqeyso gacmahaaga
- si madax banaan wax u saxdid
- ku wanaagsan tahay la falgelida dadka kale
Waxaad noqon kartaa
- shaqaale ka shaqeeya dhisida jidka ama laamiga
- qof ka shaqeeya dhulka beeraha, ama waraabiyaha beeraha amaba shaqaale maareeye mashiinada dhismooyinka
- qof wax riinjiyeeya, baaskiile, alwaaxyada sameeya ama hagaajiya agabyada
- qof dhisa qalabka caruurta, saqafyada ama qof hagaajiyada agabyada
- qof sameeya alwaaxyada ama dhalooyinka la galiyo meelaha
Eeg dhammaan xirfadaha iyo aqoon-cilmiyeedyada
Goobta shaqada
- shirkadaha gaarka ah iyo kuwa dadwaynaha
- shirkadaha waawayn ama yaryar ee qaabilsan farsamooyinka gacanta
- shirkadaha dhismooyinka ama warshadaha
Waxbarasho badan
Waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxay ku hagtaa awood u yeelashada xirfadle (leh ama aan lahayn shahaadada ganacsiga ama socdaalka). Kadib dhammaysashada waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad billaabikartaa shaqo ama inaad qaadato waxbarasho kale:
- Waad qaadan karto waxbarasho saa’id ah oo ah koleej xirfaddeed. waxbarashada xirfadda waxay dhistaa xirfaddaha ka sarreeya waxbarashada dugsiga sare waxayna bixisaa waxbarasho xirfadeed saa’id ah oo toos loogu isticmaalo in nolosha loogu shaqeeyo.
- Waxaad qaadan kartaa Vg3 caddeynta ogolaanshaha jaamicadda guud ee barnaamijka saa’idka ah
– kaddib Vg2 ama
– kaddib marka aad ku guulaysto awood yeelayashada xirfadle.
Waxaad fursad u heli inaad qaadato tacliinta sare kuna qaadato kulliyad jaamicadeed ama jaamicad.xusuusnow in barnaamijyada waxbarasho qaarkood, sida injineeriyaddam sayniska iyo barashada caafimaadka, kaaga baahan yihiin inaad haysato maadooyin saynis ah. - Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha tacliinta sare kaddib koorsda saa’idka ah ama wadiiqadda Y, wadiiqadda xirfadda ee tacliinta sare. Wadiiqadda Y waxaa loogu talo galay leh khibrad waayo aragnimo xirfadeed. koorsooyinka aasaaska iyo wadiiqadda Y waa kuwa ugu badan ee lagu isticmaalo waxbarashada sayniska iyo injineerriyada.