Waxaad baratay
- waxyaabaha ku saabsan shaqada kobcinta caafimaadka
- waxyaabaha ku saabsan caafimaadka maskaxda iyo jirka
- waxyaabaha ku saabsan qaybaha jirka
- isdhexgalka iyo hadalka
- kobaca caruurta iyo dadka yaryar
- dheelitirka cuntada, nafaqada iyo nadaafada
Waad inaad
- sdaryeeli karto aadna tixgeliso dadka kale
- ku wanaagsna tahay hadalka
- ku wanaagsan tahay dhexgalka dadka kale
Waxaad noqon kartaa
- shaqaale caafimaad, qof ka shaqeeya ambalaas ama isbitaalka dadka waawayn
- qof ka shaqeeya daryeelka caruurta ama dhaqtar qaabilsan dadka waawayn
- dhaqtar ka shaqeeya farmashi, caawiye caafimaad ama caawiye cafimaad sida dhaqtarka ilkaha
- shaqaale qaabilsan daryeelka jirka, dhaqtar lugaha ama dhaqtar qaabilsan lafaha
Eeg dhammaan xirfadaha iyo aqoon-cilmiyeedyada
Goobta shaqada
- isbitaal ama kalkaaliso adeeg guryaha
- xanaanooyinka ama goobaha maalinlaha loogu daryeelo caruurta dhigta dugsiga
- farmashiilaha, dhaqtarka ilkaha ama xaafiis dhaqtar
- saaloonka daryeelka jirka ama isbitaalka lugaha
Waxbarasho badan
Waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxay ku hagtaa awood u yeelashada xirfadle (leh ama aan lahayn shahaadada ganacsiga ama socdaalka). Kadib dhammaysashada waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad billaabikartaa shaqo ama inaad qaadato waxbarasho kale:
- Waad qaadan karto waxbarasho saa’id ah oo ah koleej xirfaddeed. waxbarashada xirfadda waxay dhistaa xirfaddaha ka sarreeya waxbarashada dugsiga sare waxayna bixisaa waxbarasho xirfadeed saa’id ah oo toos loogu isticmaalo in nolosha loogu shaqeeyo.
- Waxaad qaadan kartaa Vg3 caddeynta ogolaanshaha jaamicadda guud ee barnaamijka saa’idka ah
– kaddib Vg2 ama
– kaddib marka aad ku guulaysto awood yeelayashada xirfadle.
Waxaad fursad u heli inaad qaadato tacliinta sare kuna qaadato kulliyad jaamicadeed ama jaamicad.xusuusnow in barnaamijyada waxbarasho qaarkood, sida injineeriyaddam sayniska iyo barashada caafimaadka, kaaga baahan yihiin inaad haysato maadooyin saynis ah. - Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha tacliinta sare kaddib koorsda saa’idka ah ama wadiiqadda Y, wadiiqadda xirfadda ee tacliinta sare. Wadiiqadda Y waxaa loogu talo galay leh khibrad waayo aragnimo xirfadeed. Koorsooyinka aasaaska iyo wadiiqadda Y waa kuwa ugu badan ee lagu isticmaalo waxbarashada sayniska iyo injineerriyada.