Vis meny

Farsamada iyo waxsoosaarka warshadaha

Xirfad

Waxaad baran

  • qorshaynta waxsoosaarka iyo samaynta wax soosaarka
  • waxyaabo ku saabsan mishiinadda, mootooyinka iyo qalabka wax soosaarka
  • waxyaabo ku saabsan samaynta kimikada iyo farsamooyinka kimistariga
  • waxyaaboku saabsan caafimaadka, deegaanka iyo badbaadinta

Waa in aad ahaataa qof

  • haybad u leh farsamada gacanta
  • keli shaqayn kara oo shaqo sugan
  • xiiseeya tiknoolojiyada cusub

Waxaad ka shaqayn kartaa

  • dhismayaasha alumiiniyamka, alxanka, iyo biraha/alwaaxda/balaastigga bal-balaaran ee dhismayaasha lagu dhiso
  • qalabka wax lagu xir-xiro-sameeyo, makaanignimada ama samaynta qufullada iyo furayaasha
  • buugaag samaynta ama garaaf u samaynta daabacaadda
  • shaybaadhada ama warshadaha kiimikada soosaara
  • samaynta dharka iyo tekistiilka, samaynta dharka shaqada ee jidhka difaaca, boorsooyinka dhabarka iwm ama lamadaayada(meelaha dharka lagu dhaqo)
  • samaynta baabuurta shilalka gala, makaanignimo baabuur ama dayactirka korka baabuurta
  • mishiinada lagaga shaqeeyo goob-dhismeedyada, mishiinada beeraha ama makaaanignimo
  • Qodista- ama shaqada ceelasha
  • maraakiibta dushooda ama motoorada
    Eeg dhamaan xirfadaha iyo cilmi-aqooneedyada

Goobaha shaqada

  • farsamada korantada iyo makaanikada warshadaha
  • warshadaha maraakiibta sameeya iyo kuwa baabuurta sameeya
  • warshadaha kiimikada iyo warshadaha dharka, kabaha iyo tekistiilka soo saara
  • shaqooyinka la xiriira baabuurta iyo kuwa la xiriira shiidaalka

Waxbarasho badan

Waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxay ku hagtaa awood u yeelashada xirfadle (leh ama aan lahayn shahaadada ganacsiga ama socdaalka). Kadib dhammaysashada waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad billaabikartaa shaqo ama inaad qaadato waxbarasho kale:

  • Waad qaadan karto waxbarasho saa’id ah oo ah koleej xirfaddeed. waxbarashada xirfadda waxay dhistaa xirfaddaha ka sarreeya waxbarashada dugsiga sare waxayna bixisaa waxbarasho xirfadeed saa’id ah oo toos loogu isticmaalo in nolosha loogu shaqeeyo.
  • Waxaad qaadan kartaa Vg3 caddeynta ogolaanshaha jaamicadda guud ee barnaamijka saa’idka ah
    – kaddib Vg2 ama
    – kaddib marka aad ku guulaysto awood yeelayashada xirfadle.
    Waxaad fursad u heli inaad qaadato tacliinta sare kuna qaadato kulliyad jaamicadeed ama jaamicad.xusuusnow in barnaamijyada waxbarasho qaarkood, sida injineeriyaddam sayniska iyo barashada caafimaadka, kaaga baahan yihiin inaad haysato maadooyin saynis ah.
  • Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha tacliinta sare kaddib koorsda saa’idka ah ama wadiiqadda Y, wadiiqadda xirfadda ee tacliinta sare. Wadiiqadda Y waxaa loogu talo galay leh khibrad waayo aragnimo xirfadeed. Koorsooyinka aasaaska iyo wadiiqadda Y waa kuwa ugu badan ee lagu isticmaalo waxbarashada sayniska iyo injineerriyada.

Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan Farsamada iyo waxsoosaarka warshadaha