Vis meny

Dhismaha-iyo hab-farsameedyada goob dhismeedyada

Xirfad

Waxaad baran

  • wax soosaarka iyo dhismaha dhismayaal cusub iyo dhiraynta
  • dib-u dhisidda iyo dayactirka dhismayaasha iyo dhirta
  • waxyaabo ku saabsan farsamada iskudubaridka
  • waxyaabo ku saabsan tayada iyo badbaadada
  • cilmi ku saabsan qalabka

Waa in aad noqotaa

  • qof farsamada iyo gacan ka shaqaynta ku fiican
  • qof keli shaqayn kara oo shaqo sugan
  • mid ku fiican la shaqaynta kuwa kale

Waxaad ka shaqayn kartaa ama noqon kartaa

  • jidadka- iyo hab-farsameedyada goobaha shaqada ama dhigista laamiyada
  • jidadka tareenada ama wadista qalabka/mishiinada goobaha dhismaha
  • rinjiile, fuundi, dhir-jare ama biyo geliye/tubiiste
  • dhisidda/isku xir-xirka biraha dhismayaasha dhaadheer loo fuulo, dhigista ruufka/saqafka ama waxaad noqon kartaa qof biraha qaabab kala duwan u roga ama u jara
  • nijaarnimmo ama faaradda amaba dhalo/quraad ka shaqeeye
    Eeg dhammaan xirfadaha iyo aqoon-cilmiyeedyada

Goobaha shaqada

  • shaqo dawladeed ama shaqo gaar loo leeyahay
  • shirkadaha farsamada gacanta ee waa-wayn ama yar-yar
  • warshadaha- ama shirkadaha qandaraasyada

Waxbarasho badan

Waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxay ku hagtaa awood u yeelashada xirfadle (leh ama aan lahayn shahaadada ganacsiga ama socdaalka). Kadib dhammaysashada waxbarashada xirfadda iyo tababarka waxaad billaabikartaa shaqo ama inaad qaadato waxbarasho kale:

  • Waad qaadan karto waxbarasho saa’id ah oo ah koleej xirfaddeed. waxbarashada xirfadda waxay dhistaa xirfaddaha ka sarreeya waxbarashada dugsiga sare waxayna bixisaa waxbarasho xirfadeed saa’id ah oo toos loogu isticmaalo in nolosha loogu shaqeeyo.
  • Waxaad qaadan kartaa Vg3 caddeynta ogolaanshaha jaamicadda guud ee barnaamijka saa’idka ah
    – kaddib Vg2 ama
    – kaddib marka aad ku guulaysto awood yeelayashada xirfadle.
    Waxaad fursad u heli inaad qaadato tacliinta sare kuna qaadato kulliyad jaamicadeed ama jaamicad.xusuusnow in barnaamijyada waxbarasho qaarkood, sida injineeriyaddam sayniska iyo barashada caafimaadka, kaaga baahan yihiin inaad haysato maadooyin saynis ah.
  • Waxaad codsan kartaa ogolaanshaha tacliinta sare kaddib koorsda saa’idka ah ama wadiiqadda Y, wadiiqadda xirfadda ee tacliinta sare. Wadiiqadda Y waxaa loogu talo galay leh khibrad waayo aragnimo xirfadeed. koorsooyinka aasaaska iyo wadiiqadda Y waa kuwa ugu badan ee lagu isticmaalo waxbarashada sayniska iyo injineerriyada.

Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan Dhismaha-iyo hab-farsameedyada goob dhismeedyada